Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Kala Ibsiga.
- Hassan Yussuf
- Aug 15, 2018
- 1 min read
Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waa lagu kala qeybsamay, kooxaha Premier League ma iibsan karaan ciyaartoy maadaamaa suuqooda uu xirmay 9-kii August maalin ka hor bilowga fasalka cusub, balse wali horyaalada kale ee yurub ayaa furan.

Waxaan idiin soo gudbineynaa dhamaan wararkii ay qoreen warbaahinta kubadda cagta, KiKiSports masuul kama noqon doonto dhabnimada wararkaan maadaama aan u xaglineyno warbaahintii qortay.
Aan ku bilaawno:-
Zinadine Zidane Oo Sii Jeeda Manchester-united ! !

Tababarahii shaqada Real Madrid iska casilay ee Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu kuoo laabto tababaranimada, wuxuuna doonayaa inuu xagaaga soo aadan qabto xilka kooxda Man United. (L’Equipe)
Halke maraayo Xaalka Pogba Iyo Barca.

Agaasimaha Barcelona Ariedo Braida ayaa shaaca ka qaaday ineysan kooxdiisa dalab ku aadan Paul Pogba u gudbin Man United, balse wuxuu ku sheegay 25-jirka reer France xiddig weyn. (Mirror)
Comments