Jose Mourinho Will Be Sacked By Christmas 😅 😅, Predicts By Lee Sharpe Ex Man Utd Player.
- Hassan Yussuf
- Aug 21, 2018
- 1 min read

Xiddigii hore Manchester United Lee Sharpe ayaa aaminsan in tababare Jose Mourinho uu haatan ku nool yahay kaliya waqti uu amaahday isla markaana uu rajeynayo in waqti dhaw laga ceyriyo shaqada garoonka Old Trafford.
Fasal ciyaareedka Red Devils ayaa durba noqday mid la saluugo maadaama ay guuldaro lama filaan ah kala kulmeen Brighton & Hove Albion iyadoo ay dad badan xasuusan yahiin inuusan xiriir fiican ka dhaxeynin Jose Mourinho iyo Paul Pogba.
Guuldaradii Red Devils kusoo gaartay American Express Stadium waxey damqisay nabaradii kusoo gaaray kooxda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana kooxda u bilowday fasal dhib badan sida runta ah, sidoo kalana waxaa jiray warar xan ah oo sheegaya isku dhaca maamulka kooxda iyo Jose Mourinho.

Lee Sharpe oo intii u dhaxeysay 1988 ilaa 1996 ka mid ahaa kooxda Red Devils ayaa qaba in Jose Mourinho uu yahay macalin aan ku habooneyn shaqada kooxda.
Mourinho waa mid aan u qalmin shaqadaan” ayuu ku bilaabay Lee Sharpe.
“Markii horreysay oo uu Chelsea imaanayay wuxuu u muuqday mid wanaagsan oo waliba xiiso leh, balse haatan wuxuu noqday mid uu mugdi ku jiro hadana careysan”
“Caradiisa ku aadan inuusan lasoo saxiixan ciyaartoy cusub iyo sida uusan u weyneynin kuwa uu heysto”
Sidoo kale Lee Sharpe wuxuu aaminsan yahay in sabab kale ay jirto oo ah inuusan ciyaarin kubad loo xiisi karo sida labada kooxood ee Liverpool & Manchester City.
Si kastaba Lee Sharpe wuxuu qabaa in Jose Mourinho uu ka bixi doono albaabka Old Trafford ka hor fasaxa ciida reer galbeedka.
Comentários