RealMadrid Beat FC Girona 4-1
- Hassan Yussuf
- Aug 27, 2018
- 1 min read

Real Madrid ayaa si wayn uga soo aarsatay kooxda FC Girona oo ay xili ciyaareedkii hore guuldaro ayna marnaba ilaawin ka soo gaadhay waxayna Los Blancos isla kulankan martay xaalado adag qaybtii hore ee ciyaarta balse kooxda Lopetegui ayaa qaybtii labaad samaysay bandhig wayn si ay Girona afka ciida ugu darto.
Karim Benzema ayaa laba gool ka dhaliyay kulankan halka Sergio Ramos iyo Gareth Bale ay min hal gool dhaliyeen waxayna Real Madrid guushan ku soo gaadhay 4-1 iyada oo waliba kooxda Girona ahayd kooxdii goolka furitaanka ku hormartay qaybtii hore.
Comments