BREAKING NEWS !!! USA Hosting Spanish League "LaLiga" This Year...
- Hassan Yussuf
- Aug 17, 2018
- 1 min read

Horyaalka Spain ayaa Taariikh wayn sameyn doona maadaama qaar ka mid ah kulamadiisa lagu soo ciyaari doono Dalalka Mareykanka iyo Canada.
La Liga ayaa heshiis 15-sano ah la gaartay Entertainment Group Relevent ee ah shirkadda soo qaban qaabisay koobka Saaxiibtinimo ee International Champions Cup oo ay ka qeyb qaataan kooxaha ugu tunka wayn Qaarada Yurub.
Ururkan Cusub ee dhawan la sameeyay kaa oo loo bixiyay La Liga North America ayaa baadi goob ugu jira inuu ballaariyo halka uu gaarayo horyaalka Spain isla markaana sare loogu qaado dhaqanka kubbada cagta.

Heshiiska Cusub uu La Liga gaaray ayaa ka dhigan in xilli ciyaareedkiiba hal kulan lagu soo ciyaari doono Mareykanka ama Canada.
Taariikhda kulamadaas lagu ciyaari doono meesha ka baxsan Yurub 15-ka sano ee soo socota, Goobaha lagu kala ciyaari doono iyo Waliba kooxaha Ciyaaraya weli lama shaacin laakiin waxaan shaki ku jirin in kulanka Barcelona iyo Real Madrid uu yahay kan ugu suuq geynta badan.
コメント