Dani Carvajal oo Runta Sheegay 😳 😳
- Hassan Yussuf
- Aug 21, 2018
- 1 min read

Difaaca kooxda Real Madrid Dani Carvajal ee reer Spain ayaa sheegay in Los Blancos xili ciyaareedkan dooneyso ku guuleysiga horyaalka La Liga ee dalka Spain, kadib markii ay xili ciyaareedkooda cusub kaga daah furteen guushii ay kaga gaareen kooxda Getafe 2-0.

Dani Carvajal oo kulankii daah furka dhaliyay goolkii daah furka ayaa yiri: “Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano horyaalka La Liga, waa inaan qabanaa shaqo adag, xili ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaan iska luminay dhibco badan ee ah horyaalka”.
Difaaca garabka midig ee kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Waa wax aad u adag ee aan la qaadan Karin inaan dhalin Karin wax gool ah iyadoo aynu heysano, weerar awood badan”.

Carvajal ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay ka hadalka in kulankii xalay ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu ay soo xaadireen taageerayaal tiradooda ay aad u yar tahay wuxuuna yidhi: “Jamaahiirta kooxda Real Madrid waa kuwo gaar ah, laakiin bisha August, dadka Madrid ku dhaqan waxay qaataan fasaxooda bishan, xaqiiqdii bisha September ee soo aadan, jamaahiir fara badan ayaa imaan doonta”
Si kastaba Real Madrid ayaa guul muhiim ah ku furatay xili ciyaareedka cusub ee La Liga iyada oo si raaxo leh Santiago Bernabeu ugu garaacday kooxda Getafe, Los Blncos ayaa waxaa guushaan ku hogaamiyay xidigaha Dani Carvajal iyo Gareth Bale oo min hal gool kulankan ka dhaliyay.
Comentários