Fastest Man In The World Usain Bolt ...
- Hassan Yussuf
- Aug 19, 2018
- 1 min read

Ninka ugu orodka dheer adduunka ee Usain Bolt ayaa ku soo biiray saaxadda kubbada cagta.
31-jirka ayaa ka fariistay orodka sanadkii tagay kaddib markii uu ku guuleystay bilad kasta oo wayn. Iminkana wuxuu sheegay inuu doonayo in guulo taa la mid ah uu ka gaaro kubbad cagta.
Boqolaal taageereyaal ayaa Bolt ku soo dhaweeyay Magaalada Sydney ee dalka Australia.
Orodyahankii hore ee reer Jamaica ayaa waayihiisa Kubbada cagta la bilaabi doona kooxda Central Coast Mariners ee ka dhisan Austarlia.
“Waan Jeclahay Australia, sidaa darteed waan ku faraxsanahay inaan gurigeyga ugu yeero wixii hadda ka bilowda. Bolt ayaa sidaa yiri.
“Waxaan idin tusi doonaa waxaan ka sameysanahay.” .


Comments