top of page
Search

Hazard Finally Said He's Not Leaving This Season. 🧐

  • Writer: Hassan Yussuf
    Hassan Yussuf
  • Aug 19, 2018
  • 1 min read

Eden Hazard ayaa ugu dambeyn laabta u qaboojiyay taageerayaasha Chelsea isagoona af cad ku sheegay inuusan meel uga socon Blues kal ciyaareedkan.


Hazard ayaa koobkii adduunka kaddib sheegay in laga yaabo inuu ka tago kooxda.


Yeelkeede, inkastuu ka cago jiidayo inuu heshiis cusub u saxiixo Chelsea ayuu misane ugu yaraan xaqiijiyay inuusan ka tagi doonin kal ciyaareedkan.


Suuqa kala iibisiga Premier League ayaa xirmay horaantii bishan, laakiin Spain ayaa furan ilaa dhammaadka bisha iyadoo ay Real Madrid weli baadi goob ugu jirto cidii u badeli lahady booska Cristiano Ronaldo oo kaga biiray Juventus.


ā€œWaad ogtihiin wixii aan iri koobkii adduunka kaddib. Waan ku faraxsanahay halkan, weli ma doonayo inaan ka hadlo midaa,ā€ Hazard ayaa sidaa u sheegay RMC Sport kaddib kulankii xalay ay Chelsea 3-2 uga adkaatay Arsenal.


ā€œWaxyaabo badan ayaa la yiri- waxaan micno lahayn iyo waxkasta.


ā€œIminka waan faraxsanahay. Weli labo sano ayaa iiga harsan qandaraaskeyga, waana arki doonaa waxa dhaca. Ma tagi doono sanadkaan.


ā€œSuuqa kala iibsiga England kol horey ayuu xirmay. Ciyaartooy waan iibin karnaa balse ma soo iibsan karno.


ā€œQariib ayay ku noqoneysaa Chelsea haddii ay iska key fasaxaan isla markaana aysan soo shaqo galin ciyaaryahan kale.


ā€œKulankii Arsenal waan arki karnay in taageerayaashu ay aad ii jecel yihiin. Wanaag ayaan ku dareemayaa halkan. Waan arki donaa waxa dhaca sanad ama labo sano kaddib.ā€.

Ā 
Ā 
Ā 

Comments


Subscribe

Stay up to date

CONTACT

Mogdisho, Banadir Somalia

  • facebook
  • twitter
  • instagram

Your details were sent successfully!

+60172361167

  • facebook
  • twitter
  • instagram

©2018 by Ciyaraha Manta.Proudly Created By Pato

bottom of page