HIT HIM AGAIN!!! Hahahahahahaha Tagerayasha Liverpool oo Hees u qaaday Diego Costa.
- Hassan Yussuf
- Aug 17, 2018
- 1 min read

Diego Costa iyo Sergio Ramos oo iska soo horjeeda mar walba waxaa ka dhalan lahaa kulan waali ah, arbacadii taas waxba kama badalneyn.
Atletico Madrid waxa ay 4-2 uga badisay Real Madrid fiinaalihii EUFA Super Cup xilli uu Costa daqiiqaddii kowaad iyo 79-aad shabaqa soo taabtay.
Goolal ay dhaliyeen Saul Niguez iyo Koke ayaa guusha siiyey Atletico laakiin sheekada xiisaha badan ayaa u dhexeeysay Costa iyo Ramos.
Costa waxa uu ka awood badatay Ramos ciyaarta oo 50 ilbiriqsi socota isaga oo goolkii kowaad ugu soo shubay Madrid.
Hase ahaatee, Costa daqiiqaddii 20-aad ciyaar xumo ayuu soo bandhigay kaddib markii uu madaxa ka darbeeyey Ramos.
Costa waxa uu sheegay in ay kama u dhacday kahor inta uusan la dagaalin dhammaan ciyaaryahanada Real Madrid.
Ramos hore waxa uu uga xanaaqijiyey taageereyaasha Liverpool kaddib markii uu dhaawacay Salah.
Salah oo uu garabka durkay ayaa laga saaray gegida Olympic ee magaalada Kiev fiinaalihii Champions League.
Komentar