Maxaa Ka Qaldamay Kooxdiisa ! ! !
- Hassan Yussuf
- Aug 17, 2018
- 1 min read

Tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa bixiyay waraysi faah-faahsan kaddib kulankii ay guuldarada foosha xun kala kulmeen kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid, Lopetegui ayaa ka hadlay qoddobo dhawr ah oo xasaasi ah.
Maxaa Dhacay?
“Kulanku si fiican ayuu ugu bilaabmay iyaga waxaana ay dhaliyeen fursadii ugu horreysay taas oo ahayd mid aynaan rajaynayn kaddib kooxdu waxay dhinaca kale u rogtay kulanka inta ugu badana inaga ayaa ahayn kuwa fiican laakiin xaqiiqada kama faa’ideysan karno iyaguna si fiican ayay u isticmaaleen dhammaan fursadihii ay heleen”
Miyay Atleti Ku Dhammaysatay Si Idinka Wanaagsan?
“Kubadda cagtu waa maalmo fiican iyo maalmo xun, Waad guuleysanaysaa ama waad guuldaraysanaysaa, Wakhtigii dheeriga ahaa si fiican ayaan u ciyaarnay bilawgii laakiin goolkooda saddexaad ayaa na dhaawacay dareen ahaan waxaanan luminay qaabka kaddibna waxa dhaliyeen midka afraad sidaa ayayna ahayd”.
Maxay kaaga dhigan tahay inaad guuldaraysatay kulankaaga ugu horreeyay?
“Waan ka murugaysanahay inaan guuldaraystay waxaana dareemayaa xanuun waana wax iska caadiya inaad sidaa dareento, Berrito waa inaan kacnaa oo aan isku diyaarinaa kulanka ugu horreeya ee La Liga”
Comments