Modric oo jawaab xoogan ka bixiyay Wararka Xanta ah ee ku aadan inuu Xiriir la Sameeyay Inter 🔵⚫️
- Hassan Yussuf
- Aug 21, 2018
- 1 min read

Luka Modrić ayaa ka jawaab celiyay wararka lala xiriirinayo inuu xiriir la sameeyay kooxda Inter Milan, si uu ula midoobo, saaxiibadiis reer Croatia ee kala ah Ivan Perišić, Marcelo Brozović iyo Šime Vrsaljko.
Modrić ayaa lala xiriirinayay inuu ku barayo kooxda Inter Milan inta lagu jiro suuqan xagaaga, laakiin Real Madrid ayaa iska diiday inay fasaxdo laacibka reer Croatia.
Warar soo baxay dhawaan ayaa lagu sheegay in Luka Modrić uu xiiseenayo inuu kula midoobo saaxiibadiis reer Croatia Ivan Perišić, Marcelo Brozović iyo Šime Vrsaljko kooxda Inter Milan, isla markaana uu xiriir la sameeyay.
Laakiin Luka Modrić ayaa warkan jawaab cad ee xoogan ka bixiyay wuxuuna sheegay “Tani waa, waa beentii ugu wayneed taariikhda”.
Comments