Neymar Jr. To RealMadrid for 300$Million Dollar! ! š± š± š±
- Hassan Yussuf
- Aug 18, 2018
- 1 min read

Way iska cadahay in Real Madrid aysan dooneynin in ay ka niyad jabto xiisaheeda ku aadan saxiixa laacibka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr, xitaa hadii ay waqti badan ku qaadato.
Wargeyska āSportā ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu diyaarinayo dalab xoogan si uu kala soo saxiixdo PSG laacibka reer Brazil ee Neymar Jr.
Wargeyska Isbaanishka ah ayaa sheegay in Real Madrid ay si xoogan ula socoto xaalada kooxda PSG ee sharciga dhaqaala wanaaga ee UEFA, taasoo u suuragalineysa Los Blancos inay muhiimada koowaad ka dhigato saxiixa Neymar xiliyada soo aadan.
Sida lagu xusay warbixintan Real Madrid ayaan wali xirin raacdada ay ugu jirto saxiixa badalka Cristiano Ronaldo, kaasoo kooxda ka dhaqaaqay bishii lasoo dhaafay.
Waxaa xusid mudan in warbixintan aanan lagu xisin inta uu gaarsiisan yahay dalabka cusub ay Real Madrid ku dooneyso inay ka gudbiso laacibka reer Brazil ee Neymar Jr.
Comments