Paul Merson Said Paul Pogba Should Follow Mohamed Salah ?? 🤨
- Hassan Yussuf
- Aug 18, 2018
- 1 min read

Laacibkii hore kooxda Arsenal ahna Khabiirka Sky Sports ee Paul Merson ayaa aaminsan in Paul Pogba uu u baahan yahay inuu raaco wadada xidiga Liverpool ee Mohamed Salah.
“Mohamed Salah waa xidig si aad ah looga jecel yahay kooxda uu joogo ee Liverpool, wuxuu kalsooni ku qabaa tababaraha, sidoo kale kooxda, hadii uu qalad sameeyo, wuxuu sii wadi doonaa inuu ciyaaro”.
“Waa in Pogba uu ku lahaadaa Manchester United tayo la mid ah Mohamed Salah oo kale, sababtoo ah laacibka reer France wuxuu doonayaa inuu muujiyo awoodiisa”.
“Dhibaatada Pogba heysata ayaa ah inuu ka cabsi qabo inuu soo bandhigo 60 daqiiqo ee xun, waxaa lumi doonta kalsoonidiisa wuxuuna ka dhaqaaqi doonaa garoonka”.
“Pogba xiligii uu ku sugnaa kooxda Juventus wuxuu ahaa mid cajiib ah, sidoo kale wuxuu si cajiib ah kaga caawiyay xulkiisa qaranka France inuu ku guuleysto koobka aduunka ee 2018”.
“Waxaan u maleynayaa inay muhiim tahay in Pogba uu awoodiisa ku muujiyo gudaha garoonka, sababtoo ah waa laacib aad u wanaagsan, laakiin qiimaha dhan £ 90 milyan uu ku yimid Manchester United ayaa saartay cadaadis badan, sidaasi darteed waxaan u maleynayaa inuu u baahan yahay waqti”.
Commentaires