top of page
Search

Pjanic Signed New Contract ✍️ 🤝

  • Writer: Hassan Yussuf
    Hassan Yussuf
  • Aug 21, 2018
  • 1 min read

Juventus ayaa heshiis la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Bosnia Miralem Pjanić si uu ugu cusbooneysiiyo qandaraaska, Sky Sport Italia ayaa sidaasi xaqiijisay.


Miralem Pjanić ayaa lala xiriirinayay saxiixiisa kooxo dhowr ah ee qaarada Yurub, sida Barcelona, Real Madrid iyo Manchester City, laakiin Juventus ayaa diiday inay iska iibiso.


Kulanka dhexmaray maamulka Juventus iyo wakiilka Miralem Pjanić maalinta Isniinta ee lasoo dhaafay ayaa kusoo idlaaday in labada dhinac ay wada gaareen heshiis hordhac ah uu ku kordhinayo qandaraaska.


Sida laga soo xigtay ilo kale, Juventus ayaa ka dhaadhicisay Miralem Pjanić in uu sii joogo kooxda, si uu u saxiixo heshiis cusub isla markaana sare loogu qaado mushaarkiisa.


Waxaala filayaa in heshiiska cusub ee laacibkan uu gaari doono ilaa iyo sanada 2023, isla markaana sare loogu qaadi doono mushaarka sanadlaha uu haatan kooxda ka qaato.

 
 
 

Comments


Subscribe

Stay up to date

CONTACT

Mogdisho, Banadir Somalia

  • facebook
  • twitter
  • instagram

Your details were sent successfully!

+60172361167

  • facebook
  • twitter
  • instagram

©2018 by Ciyaraha Manta.Proudly Created By Pato

bottom of page