top of page
Search

UEFA MEN's PLAYER OF THE YEAR NOMINEES 🕺🤩🔝

  • Writer: Hassan Yussuf
    Hassan Yussuf
  • Aug 21, 2018
  • 1 min read

Xiriirka kubada cagta ee qaarada yurun ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday musharaxiinta ugu dambeysa ee ku tartami doonta abaal marinta xidiga sanadka ee Yurub xilli ciyaareedka 2017-2018.

Sida laga soo xigtay barta rasmiga Twitter-ka ee UEFA xidigaha Mohamed Salah, Cristiano Ronaldo Iyo Luka Modric ayaa ku dagaalami doona abaal marinta laacibka sanadka ee Yurub.

UEFA ayaa ku dhawaaqi doonta guuleystaha abaal marintan, xiliga la sameyn doono isku aadka tartanka UEFA Champions League 30-ka bishan August.

Xidigaha Cristiano Ronaldo Iyo Luka Modric ayaa ah kuwa ugu cad cad ee ku guuleysan kara abaal marintan, marka loo fiiriyo inay kusoo guuleesteen tartanka Champions League xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

 
 
 

コメント


Subscribe

Stay up to date

CONTACT

Mogdisho, Banadir Somalia

  • facebook
  • twitter
  • instagram

Your details were sent successfully!

+60172361167

  • facebook
  • twitter
  • instagram

©2018 by Ciyaraha Manta.Proudly Created By Pato

bottom of page